MA QALLOOCSHE
A. A. Garas
Madaxyuubka Shankaroonta ayaa kaga dhabeeyay hanjabaad uu dharaar hore war-boobeyaasha ku yidhi: “Waxaad barateen Madaxyuub markuu safar u baxayo iyo markuu soo noqdaba iniin sheekeeya, maanta ka dambow”. Hadalkaas oo ilaaq la moodayay ayuu kaga dhabeeyay markuu dorraad ka soo noqday Itoobiya iyo intuu qariyay. Walow afhayeenku in yar xaashi ku soo qorey, balse war-boobeyaashu ma iimaansan.
Amuurta aamuska keentay ilaa haatan lama ogga sababta, laakiin qaar tuhun-wadayaal ahi waxay ii tibaaxeen in aamuskani yahay arrin ammaan oo maadaama aqoonsigii soo muuqdo laga baqanayo Madaxyuub la dilo inta weriye layska soo dhigo laysku qarxiyo, kuwo kale ayaa yidhi Madaxyuubku wuxuu iska nacay sheeko-xumada weriyeyaasha, qaar kale waxay u arkeen cawaandinimo caynkaa u taalla oo aanu rabin in saxaafad iyo cid kale midna ishortaago. Kuwo kale ayaa tibaaxay in argagixisadii u soo hanjabtay oo ku tidhi, adiga iyo carruurtaada dibadda joogtaba is-jira.
Kuwana waxaabay qabaan inay inantii Maraykan kula talisay inuu aamuso, hadduu saxaafadda la sheekaystana lagala noqonayo aqoonsigii Maraykan.
Si kasta ha ahaatee Madaxyuubku isaga oo aan horeba u hadal badnayn lama ogga waxa intii Isha Allahu u badnaydna uu u gooyay. Walow aamuska caynkana inuu dastuur ogolyahay aanan hubin, laakiin koleyba Madaxyuub aamusay, xeer baa qeexi doona kaasna guurtiduu horyaal.
Si kastaba haw aamusnaadee waxan u malaynayaa isaguba inaanu ishaysan karin inuu aamusni ku metelo Riwaayad dimuqraadi, taas oo doorashada dhowan dhacaysaaba ka hadli doonto “Iska daaya Daahir daniba way ka hadalsiine”.
KIINIYA MA KURSIBAY ISKU HAYSTAAN IGA WALOOY DALKA OO DHANBA WAAYI DOONAAN
Doorasho silloon ee dalka Kiiniya dhawaan galay ayaa natiijadoodii noqotay baange iyo budh laysla dhaco, kadib markii la sheegay inay dhacday wax kala shubasho ka weyn oo qolyaha mucaaridku weyrax ku caydhsaday natiijo naanaabad ah oo komishankoodu ku dhawaaqay, taas oo gadoodeyaashii garabka mucaarid ay gawda ka saareen askarta ammaan loo diray.
Odayga gamaamaysan ee kursiga ku curyaamay ayaa yidhi “Hakuuna mataato, annaa helay doorashada, kaas oo mucaaridka ku tilmaamay cidlo ka dabaaldegayaal dalka shiddo ka abuuraya.
Mucaaridka ninka hoggaansha Dhingo Dhingo ayaa yidhi “Guuj haba, annaa helay, tuug baa cawaray”, kaas oo ku baaqay in dib loo baandheeyo doorashadii dhacday.
Mirqaan xumadii meeshaas ka dhacday, waxay keentay qulub qabyaaladeed oo dadkii xisbiyada sheeganayayy ayaa kala noqday qabaa’il aan dastuur ahayn, waxana kumaankunka qof ku dhinteen tollaay, Kilaanjya iyo tollaayey yaa reer Kukuuyo kursiga ka dhiciya. Mashaqadaasi markay samadda gaadhay ayaa adduunyada looga soo gurmaday oo la yidhi, Afrika iyo Orobaba waa u dhan tihiin yaan naftu ka bixin Kiiniya. Ereyadaas waxa ugu cuslaa odaygii Koofil canaan ka-yaab, ee ka karmaliyeeyay jagada Umamulmutaxida, kaas oo kolkii hore joojiyay isbashaaqintii socotay, wada-hadalo uu isugu keenay kooxaha ayaa laysugu soo dhawaaday jeerkii hore, iyadoo ergadu ku talisay wadaago xukun la sameeyo, waxes ibtilo noday kan dastuura oo isagu noqday xisbi saddexaad oo aan Raysal wasaaraha ogolayn, kaas oo Kuukuuyadu kaashayo.
Qodobkaas oo istubidh kala noqotay waxay soo oogtay oo dhanka mucaaridka ka abuurtay cadho kale, waxaanay ku hanjabeen inay dib u bilaabi doonaan baangihii hore.
Haddaba dalkan Kiiniya oo dimuqraadiyadda magaca ka xumeeyay ayaa wuxuu isku darsaday doorasho-xumo, dastuur-xumo iyo damac kursi oo tanaasul lahayn.
Waxa la sheegay in xaaladu taagan tahay in dastuurka la jebiyo oo loo adeegsado maahmaahda Shankaroontu ku dhaqanto ee “Duruuftu Xeerka ka weyn”, kaas oo loo ogolyahay golaha Guurtida oo keliya.
Dhanka kale haddaynu Kiiniya dib u eegno waxa goobjoogayaashu sheegayan in Odhinga ku lahaa, laakiin waxa mashaqadan sameeyay niman wasiiro ah oo jagadan ka taajiray ilaa Ingiriiskiina iska haysan jiray xilka, kuwaas oo lacagtii ay dalka ka xadeen aan dibadda ula bixin ee mid waliba ku maalgashay gudaha Kiiniya, sida beero buu iyo hoteelo kibray.
Haddaba markii ay dhaceen doorashadii dhawaan ayay awood iyo adduunba adeegsadeen inaan sac sac ka raacin oo aanu Odhinga soo bixin, waayo wuxuu ku ololeeyay hantidaas la dhacay inuu ka daba tegi doono. Nin xoolihii uu xaday ay dhulka daadsan yihiin oo aan dibadna wax u oolin marka la yidhi waad dhacday waxna waa la baadhayaa, saw inuu musuqo maaha. Markaa waxa doorashada xumeeyay waa musuq hore oo musuq kale lagu difaacayo, mana jirto cid runta u kala sheegta oo tidhaahda waaryaadha wasiiro Kukuuyo wixii aad hore u musuqdeen xoolo haysta oo dalka inta kale uun halaydinka badbaadiyo.
Dhinaca Odhingana in lagu yidhaahdo waaryaa wiil Kilaanji adba inta dambe musuqo oo iskaga hadh Kukuuyo wasiiradeedu waxay hore u musuqday, haddii kale intaad kursiga isku haysataan ayaydun dalkaba waayi doontaan sida Soomaaliya oo weliba idinku ka geeri xumaan doontaan.
Haddaba dalka Kiiniya oo ahaa meesha keliya ee aan jabhadi ku cartamin barigan Afrika sannadihii uu socday burburkii labada diimood ee shuuci iyo dimuqraadigu, kuwaas oo wadamada la deriska ahi oo dhan uu ka taliyay qoriga karaashoofku, haddiiba ay Kiiniya ka badbaaday kudka hore waxa la sheegayaa inay rabto rabshado lagu kala adkado.
Waxa kale oo dalkaas sii shidaya lacagta gargaarka shan dal oo Shankaroontu ku jirto, kuwas oo hay’adaha haawayda ahi halkaas ku cuneen.
Sheekada wargeys soo qoruu
Shicibku dhawraaye
Shalayba wuu hadlaayee
Wuxuu maanta uga shaacay
Ee shiriigga weriyuhu sitana
Shay kale u mooday
Wuxuu Daahir hadal uga shakiyay
Sheeg hadaad garato.
Shaadh qoran ninkii siday
Markuu shirar wargeysdiido
Ee uu shidhkii saaran yuu
Weli shaqaynaayo
Shib markuu yidhaahduu
Isagu shuurin kugu dhaafo
Sharcigii qaban lahaa meeluu jiro
Sheeg hadaad garato.
Ururkii shuruudaha dalkiyo
Shuruugga aan buuxin ee
Haddana shuruucdii dalkiyo
Qodob shakaalaynin
Halka sharaxu kaga laaban yahay
Ee sheekhu sixi waayay
Ee qaran shuftada looga dhigay
Sheeg hadaad garato.
Shankaroontu waayadanba
Wa shaambin gooniya’e
Shaxdii uu Maraykanku dhigay
Baa shinkeed galaye
Shoocaaligiisaan arkoo
Waa shank ala geyne
Shuqulkiyo wuxuu maagan yahy
Sheeg hadaad garato.
Shugrigiyo codbixintii horaa
Sharafta soo hooysay
Shilba kama yimaadeen hadaan
La is shareerayna
Tirakoobka shandada loo gurtiyo
Shaambaddiyo khaadhka
Shardi waxa haddeer kaaga dhigay
Sheeg hadaad garato.
