Geeraar unugiisa
Araarta qaloocshe
Malaa in dhoweydba
Ishaa lama saarin
Bahdii akhriyeysay
Ahay kala baadnay
Illow malahayne
Ahay ma jeclayne
Oogaan ku maqnaaye
Awaare iyo koore
Agoonta ka oyday
Urrey boqor mooday
Akhyaartii ma xiistay
Ilaaqdii ma weyday
Asqada shankaroonta
Isniinta hadhaysay
Arrooro ma yaabtay
Abwaanno gorfeeya
Ujeeddada muuja
Akhyaartu ma weyday
Nin aamusay reer gab
Ilduuf lama waayo
Afeefse mid baa ah
Aqoonsi la’aanta
Arlada mashaqaysay
Awliyo jabbaneysay
Marbay ambataaye
Dhegaystay idaacad
Akhbaar ka baxaysay
Ayaa yidhi aaddo
Cadceedda iftiimi
Istaarka kumeera
Dad baa ku dul uuman
Iskaashi u baahan
Alleyle shawray
Is idhi qolyahaaba
Aqoonsi u doono
Awoodaha eebbe
Addoomaha siiyey
Badh baan la adeegsan
Ijaaba ku duulay
Cirkaa u abraaray
Afyuubka mariikha
Irdaa saxal joogga
Awaare ku dhaafay
Shuhuura
arroosa
Midaan u
qalmayni
Amuume la
joogo
Arkoo ku
yar leexday
Ma ogi
xidigtaasi
Inuu boqor
aabe
Awow u
ahaaye
Maxaa agab
tuulan
Alaabo dhex
taalla
Anoo afa-gaallo
Ingaydhka u goostay
Markaan arkay fiinas
Isbiidhka yareeyey
Ijaarka ku duubay
Albaabka shuhuura
Iraado ku dhaafay
Afaafka ma gaadhay
Amakaagga la yaabay
Oogsay la fajac
Afka lay dhaqdhaqaaji
Ogoreey fahmi waayey
Inantii la aroosay
Ubax yaable u dhiibay
Istareex farxadeed
Ashqaraarka la yaabtay
Idhi oo af-dhagoole
Inantii ku su’aalay
Inan yay ina kiin
Oday reer shankaroonoo
Dhulkaa eebbe sameeyee
Aadan xaawa ka beeraa
Asalkaygu ahaa
Umaddii nala taalay baa
Isyeelyeel nagu diidee
Ummaddiinan shuhuuri
Aqoonsi may helaysaan
Okay bay tidhi yeelay
Hadana waan ka istaadhoo
Abraarkaan ka bilaabay
Afa-gaalliyo naafka
Agaallaan u maleegtay
Ururkaan dacalkaasiyo
Oryankaa bidixdiisiyo
Laxmar baan ida joogay
Injiinkayga gariirkiyo
Onkodkayga ka yaacay
Akhyaartaa raqo joogtay
Idil ways fahanee
Lisan baan agmareeyey
Oo godan baan ku aroorshay
Cirir oogada joogaan
Afartiisa jadood iyo
Ibillaan ku shakaalay
Aqbalkii kobrikoon
Oo amuurtayda ogaa baan
Okaydii kaga jiiday
Xiddigo aad ayax moodaa
Ayda daallalo joogoo
Isha ii jebinaayaan
Waddadii isticmaarkiyo
Awdardaar ku salaamay
Meel aduun badan haysoo
Xoor cad ood la wadaagtaan
Sahaydii ka amaahday
Madhan eerlida dhaafay
Libcas maan ixtiraamin
Gudban ood kuma baydhin
Abwaankaa bayaxoow baa
Amuurtayda saxeexay
Afartii dirireen
Abbaartooda ku toosay
Galaal baa amranaayo
Garboo eebada tiirshey
Aqbal xaalku dhamaan
Isku soo wada duuboo
Uumiyihii cirka
joogay
Illaahay cabsidiisiyo
Ikraankiisa ku yaaley
Aqoonsigii shankaroonta
Okay baa laga keenay
Afartaa dheh ishaaro
Isha cawl labadeediyo
Eydhka shiish laga eegiyo
Aqbalkii shankaroondheh
Eraygaga kaleeto
Inantii jandareysiyo
Ergigii shalaytoole
Ilaaq baa laga keenee
Ogabeey jandariiso
IIdoor baa lagu sheegay
Ayuubay ka ahayd
Adeerkeedna la sheeg
Awga guurtida weeye
Isaxaaqa halkeeriyo
Axmed faarax la mood
Arab koone ka sheegay
Awal reer u asteysay
Dadka awdal ku nool
Ilaaq baa laga keenoo
Eexashay tirsadeenoo
Waxay eed ku naqeen
Afadii jandariisa
Isaaq baynaga qaadee
Inantaa kondhaliisaa
Inana sheeganaynaa
Udubkii harti koombena
Ilaaq baa laga sheegoo
Ujeeday u dhaheen
Idoorow abtiyaal
Ehel baynu ahayne
Hadii aad ilbaxdeenoo
Islaantii jandariisiyo
Ameerikaan la dhacaayo
Afduubkaasi xaq maahee
Isaaqaw gabadhaa
Anagaa u geyaanee
Ilma abtaanu ahayne
Adduun buuranna qaatoo
Inantii iska keenna
Aroos bay galaysaaye
