Wefti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Danjiraha SL ee Norway Kana Kooban Wakiilo Shirkado Shidaal oo u Ambabaxay Dalkii
Bishan 17-keedii danjiraha waxa lagu casuumay seminaar ay ka qeyb galeen in ka badan afartan shirkadood oo noorweji ah, kuna hawlan qodista iyo soo saarista macdanta iyo shidaalka dunida dacaladeeda.
Danjire Liilan wuxuu noqday danjiraha ugu firfircoon danjirayaasha SL ee joogga dibadda. Sababtoo ah intii uu xilka hayey xidhiidhka labada Dawladood wuxuu gaadhay halkii ugu sareysay.
Waxaana marag madoon u ah wufuudda aan kala go`a laheyn ee labada dal is weydaarsadeen saddexdii sanno ee ugu dambeeyey. Kuwaas oo kor u dhaafay dhawr iyo toban, kana koobnaa min heer degmo, gobol ilaa madaxweyne.
Isku soo duub oo SL waxay u bislaatay xilligii midhaheeda la goosan lahaa, indhihii aduunkuna xaggeeday u soo jeedaan. Waxase is weydiin leh shacbiga Sl ma ku baraarugsan yihiin, yar iyo weyn, mucaarad iyo muxaafid inay si wadajir ah heegan ugu ahaadaan midnimadooda iyo horumarkooda.
Cabdirisaaq Cismaan Fadal
Oslo Norway
