Boorame (Somaliland.org) - Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil
(Saylici) oo ka tirsan siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE
ayaa sheegay inuu xisbiga gudihiisa uga tartami doono Musharraxa
Madaxweynekuxigeenka xisbiga KULMIYE doorashada madaxtooyada ee
qorshaysan 31ka August, 2008.
Musharraxnimada Mr. Cabdiraxmaan Saylici, waxa lagaga dhawaaqay xaflad maanta lagu qabtay magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal
Xafladdaas oo ay ka soo qaybgaleen madaxda iyo masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, madax dhaqameedyo, taageerayaal bulshada qaybaheeda kala duwan ah iyo marti sharaf kale, waxa laga caddeeyey in kadib shirar iyo wadatashiyo muddo u socdey beesha Maxamed Case ay ku heshiisey in Cabdiraxmaan Saylici uu isu taago musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga KULMIYE, beeshuna ay isku raacsan tahay.
Suldaan Cabdi Muuse Geelle oo ka mid ah Salaaddiinta Beesha Maxamed Case oo xafladdaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in beeshu u soo xushay Cabdiraxmaan Saylici inuu isu sharraxo Musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga KULMIYE. Waxana uu ka codsaday shacbiga reer Awdal iyo guud ahaan shacabiga Somaliland inay taageeraan musharraxnimada Mr. Saylici.
Cabdiraxmaan Saylici ayaa noqonaya qofkii saddexaad ee reer Awdal ah ee caddeeya inuu isu taagayo tartanka musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga KULMIYE, iyada oo xisbigu uu soo saari doono Musharraxiisa Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka, kadib Shirweynaha labaad ee xisbiga oo lagu dooran doono Golaha Dhexe iyo hoggaanka xisbiga.
Laba bilood ka hor ayaa Ismaaciil Muumin Aar oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Awdal waxa uu ku dhawaaqay inuu isu taagayo musharraxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga KULMIYE. Sidoo kale, Madaxweynekuxigeenkii hore ee Somaliland, Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa isaguna u taagan mar kale inuu noqdo Musharaxa Madaxweynekuxigeenka xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal, Aadan Muxumad Aaye ayaa hadal uu xafladdaas ka jeediyey waxa uu ku sheegay inay soo dhoweynayaan xisbi ahaan Musharraxnimada Cabdiraxmaan Saylici, balse, waxa uu ku guubaabiyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal inay xejistaan taageeradooda xisbiga KULMIYE haddii Musharraxiinta reer Awdal ee ay kala raacsan yihiin ay guuleystaan iyo haddii kaleba.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada iyo qaar ka mid ah musharraxiintii xisbiga KULMIYE gobolka Awdal uga tartamayey doorashadii Golaha Wakiillada ayaa dhalliilo xoogleh u jeediyey xukuumadda talada haysa oo ay sheegeen in siyaasad xumadeedu sababtay dhibaatooyin badan oo maanta haysata bulshada Somaliland, taas oo ay sheegeen in loo baahan yahay in la beddelo.
Madaxdhaqameedyo, aqoonyahanno iyo waxgarad kale oo ka tirsan Beesha Maxamed Case ayaa bishii August xaflad ballaadhan oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inay kalsoonidii kala noqdeen xisbiga UDUB, haatanna ay taageerayaan xisbiga KULMIYE.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
E-mail: dubad@somaliland.com
