Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxda urur-siyaasadeedka Qaran ee
xabsiga laga siidaayey ayaa caddeeyey in hadda laga bilaabo ay ka
shaqaynayaan dhismaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, isla markaana
soo bandhigay hindisayaal ay ku abuurayaan iskaashi siyaasadeed oo
dhexmara ururka Qaran iyo xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha ururka Qaran, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo caawa ka hadlayey xaflad casho sharaf ah oo xisbiga KULMIYE u sameeyey isaga iyo labadiisa kuxigeen ee xabsiga laga siidaayey ayaa sheegay in hadda laga bilaabo ay ka shaqaynayaan sidii ay u dhisi lahaayeen xisbiga KULMIYE, waxna ay ula qaban lahaayeen, isaga oo sheegay in haddii la ogolaado ururkooda Qaran iyo haddii kaleba ay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan xisbiga KULMIYE.
Dr. Gaboose, waxa uu sheegay in horeba xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ay sheegi jireen in xisbiga KULMIYE iyo ururka Qaran ay isku xidhan yihiin ama xidhiidh ka dhexeeyo, taas oo aan jirin, balse, hadda ay u badheedhayaan.
Madaxda ururka Qaranka waxa ay uga mahadceliyeen xisbiga KULMIYE sidii ay ugu hiiliyeen markii ay xabsiga ku jireen, isuna barbartaageen qaddiyadooda, taas oo uu sheegay inay muujinayso isku kalsoonida xisbiga KULMIYE iyo kalsoonida uu ku qabo xisbinimadiisa. Waxana uu sheegay in go’aankan ay kaga jawaabayaan hiilkaas.
Sidoo kale, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi, Guddoomiyekuxigeenka ururka Qaran oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa soo jeediyey in la dhiso guddiyo wadajir ah oo ka kooban xisbiga KULMIYE iyo ururka Qaran oo ka shaqeeya abaabulka iyo wacyigelinta bulshada iyo sidii maamulka hadda talada dalka haya meel loogaga soo wadajeesan lahaa. Soo jeedintaas oo xisbiga KULMIYEna la qaatay.
Xafladdaas oo caawa fiidkii ka dhacday hotel Imperial, waxa kale oo hadalo ka jeediyey xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo madaxda xisbiga KULMIYE. Khudbadahaas oo faahfaahsan dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.
Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.
E-mail: dubad@somaliland.com
